Gawaari uu la socday madaxweynihii hore oo Muqdisho lagu rasaaseeyay

Kolonyo gaadiid ah oo uu la socday madaxweynihii hore ee Soomaaliya kana mid ah musharaxiinta Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka maxkamadda gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta lagu ridey kolonyada uu la socday Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilaalada la socotay gaadiidkan ayey wararku sheegayaan ineysan ka jawaabin rasaasta ka dib markii uu sidaas amar ku siiyey Xassan Shiikh, lamana sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastaas.

Waa weerarkii saddexaad ee Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu ka badbaado tan iyo intii uu xukunka hayay Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee weerarkan ayaa ka duwan labadii weerar ee hore, maadaama xiisadii ka jirtay magaalada Muqdisho la xaliyay, isla markaana todobaadyadii u dambeeyay jawi degenaan iyo kalsooni ay ka abuurantay magaalada Muqdisho.

Aaga uu marayay madaxweynihii hore waxa jooga oo baro koontarool kuleh ciidanka asluubta Soomaaliya,waxaana hore meel aan ka fogeyn halkaas rasaas lagu ridey kolonyo uu la socday mid ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More