General Maxamed Axmed; “800 ayaan ka dilnay maleeshiyada Al-Shabaab”

August 06 (Jowhar.com)-Taliyaha ciidanka gaarka ah ee dawlad deegaanka Soomaalida General Maxamed Axmed ayaa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah DDS iyo tan Qaranka ay ka dileen illaa siddeed boqol oo ka tirsan Maleeshiyaada Alshabaab.

General Maxamed Axmed ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay ka dileen Al-shabaab ay ku jiraan 24 mas’uuliyiin sare sare ahaa, isla markaana ay qabteen maxaabiis dhan 92.

Dowlada Itoobiya ayaa hore u sheegtay inay ka dishey saraakiil sarsare oo ka tirsan Alshabaab hase yeeshee ururka Alshabaab ayaa beeniyay sheegashadaas.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa gudaha u galay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaana halkaas ka dhacay dagaalo culculus oo geystey qasaare badan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More