General Maxamuud Geelle Yuusuf oo Muqdisho ku geeriyooday

Feb 09 (Jowhar.com)-Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Gudoomiyihii hore ee Maxkamadii Badbaadada dalka, S/Guuto Maxamuud Geelle Yuusuf kadib markii uu xanuunsanaa sanadihii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Jeneraal Maxamuud Geelle Yuusuf oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka, isaga oo Wasiir kasoo noqday Wasaarado kala duwan, sidoo kale waxa uu soo qabtay xilalka Taliyiha Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyo Guddoomiyihii maxkamadda badbaadada dalka.

Jeneraal Maxamuud Geelle wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee loo magacaabay Maxkamadii Badbaada Dalka sanadkii 1972-dii ilaa uu dalka galay xaaladii burburka sanadkii 1990-kii,waxayna ahayd Maxkamad si gaara u qaadi jirtay dacwada dadka lagu eedeeyo kacaan diidka .

Maxamuud Geelle Yuusuf ayaa ku noolaa muddo ku noolaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland, isagoo dhowrkiisa sano ee la soo dhaafay ku noolaa magaalada Muqdisho,waxana uu codsaday in dalka Soomaaliya dib loogu celiyo gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Allaha u raxmadee Jeneral Maxamuud Geelle Yuusuf waxaa uu ku dhashay magaalada Qardho ee gobolka Bari sanadkii 1937-dii isagoo wax ku soo bartay dalka Talyaaniga.

Jeneral Geelle waxa uu ka mid ahaa saraakiishii inqilaabka dalka ka ridey 21kii Oktoobar 1969kii.
Waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladii hore ee Siyaad Barre wuxuu soo noqday taliyihii ciidanka Badda ee Soomaaliya, Abaanduule Ciidan iyo gudoomiyihii Maxkamadda Badbaadda dalka.

General Maxamuud Geelle oo aad looga baqan jirey xilligii xukuumadii Siyaad Barre ayaa ridey xukuno dil ah oo faro badan, waxaa ka mid ahaa xukunkii dilka ahaa ee lagu fuliyey horraantii todobaatameeyadii Allaha u raxmadee Jeneral Salaad Gabayre,Jenenal Maxamed Caynaanshe iyo Cabdiqaadir Dheel.

Sidoo kale waxaa uu xukun ku ridey oo lagu toogtay fagaaraha Dugsiga Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Maxamuud Shiikh Cusman (Col. Cirro) iyo 16kale oo isugu jirta ciidan iyo dad rayid ah dhamaadkii sanadkii 1978dii, kadib markii lagu eedeeyay inay hogaaminayeen ininkabadan 20 sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada inqilaab fashilmay horaantii 1978kii.Allaha u naxariistee Maxamuud Geelle Yuusuf ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More