General Odowaa oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo

Wafdi uu Hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Odowa Yuusuf Raage ayaa safar Ku tagay magaalada kismaayo ee xarunta kumeel Gaadhka u ah Dowlad goboleedka Jubbaland.

Waxana garoonka kusoo dhaweeyey masuuliyiin uu hor kacayo Wasiirka Wasaarada Amniga Dowlad goboleedka jubbaland Gen Yusuf Cusman Dhumaal iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed.

Soo dhawayn ka dib ayaa waxa waftiga Taliyaha loo galbiyey Aqalka Madaxtooyada Jubbaland halkaa oo uu ku dhaweeyey madaxwaynaha dowlad Goboleedka jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More