General Saqadhi:”Sagaal asari ayaa laga diley 17 kalana waa ay ka dhaawacmeen ciidamada Somaliland”

Aug. 11 (Jowhar.com)-Waxaa soo baxaya faahfaahin la xiriirta dagaal dhexmaray kooxda dablay ah oo ku jirta Buurta Gacan Libaax iyo ciidamada ammaanka ee Somaliland,dagaalkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland General Maxamed Aadan Saqadhi ayaa sheegay in ciidamo Boolis ah dhexda ay u galeen jabhadda ku jirta buurta Gacan Libaax ayna dileen sagaal askari 17 kalana ay dhaawaceen.

Waxa uu taliyaha ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay inaysan hore amar u haysan ciidamada Booliska inay la dagaalamaan jabhadda balse laga bilaabo maanta ay ciidamadu haystaan amar ah inay isdifaacaan oo waajibaadkoodu gutaan.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ku eedeeyay dhibaatooyinka ka dhacaya Somaliland gaar ahaan jabhadda ka sameysantay buurta Gacan Libaax uu mas’uuliyadeeda leeyahay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka wadani Cabdiraxmaan Cirro

Dhinaca kalena, magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo ayaa waxaa ka dhacay dibaxbayo rabshado wata kuwasoo loogaga soo horjeedo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Dhawaan ayaa hogaamiyayaasha mid ka mid ah beelaha ugu waaweyn Somaliland ay ku dhawaaqeen inaysan deegaanada ay degaan aysan ka dhici doonin doorashooyinka la qorsheeyay inay ka dhacaan Somaliland.

Jabhadda buurta gacan Libaax saldhigga ka dhigatey ayaa diidan muddo kororsiga Muuse Biixi loo sameeyey, qabasho la’aanta doorashada iyo inaan loo sineyn Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More