General Tredishe oo ka warbixiyay howlgalo ay sameeyeen ciidamada Qeybta 27aad

Taliyaha Qeybta 27aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Axmed Maxamed Maxamuud Tredishe oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay howlgalo ay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada macawisleyda ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.

General Tredishe ayaa sheegay in howlgalada ciidamada xoogga dalka ee qeybta 27aad ay sii socon doonaan ayna jab gaarsiiyeen maleeshiyaadka Alshabaab.

“Howlgalkii ugu dambeeyay ee laga fuliyey deegaanka Baardheere oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxaa jab weyn ku gaarsiinay maleeshiyaadka Alshabaab iyadoo laga diley maleeshiyaad badan kuwa kalana gacanta lagu soo dhigey isla markaana laga gubay gaadiid.”ayuu yiri taliyaha qeybta 27aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale General Tredishe ayaa sheegay in howlgalo ay ka fuiyeen ciidamada xoogga dalka deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe gaar ahaan degmooyinka Balcad iyo Cadale.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalada ay qeyb ka yihiin ciidamo is abaabulay oo loo yaqaan Macawisley kuwaasoo ah dadka deegaanka oo ay dhibaato ku hayaan Alshabaab.

Waxa uu taliyaha qeybta 27aad sheegay in howlgalada ay ka wadaan Hirshabelle ay ku baabi’iyeen sadhigyo ay lahaayeen maleeshiyaadka Alshabaab ayna haatan ku daba jiraan qaar koox koox ka kooban illaa shan oo dadka dhibaateeya.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More