General Tredishe oo xilka taliyaha Qeybta 27aad ku wareejiyay General Tawane

Mar 31 (Jowhar.com) –Munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Tawane Axmed Gurey ayaa maanta lagu qabtay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Taliyihii hore ee qeybta 27-aad Jeneraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho), ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay taliyaha cusub ee qeybta 27aad iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen taliyeyaasha guutooyinka iyo ururrada qeybta ayaa ka soo qeyb galay munaasabadii xil wareejinta ee ka dhacday Buuloburde.

General Tredishe ayaa hadal gaaban uu munaasabadii xil wareejinta ka jeediyay waxa uu u mahadceliyay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Itoobiya,Jabuuti iyo Burundi.

“Waxaan ka codsanayaa dhammaan saraakiisha iyo ciidamada qeybta 27aad inay si wanaagsan ula shaqeeyaan taliyaha cusub isla markaana ay sii xoojiyaan dadaalkooda difaaca dalka.”ayuu yiri Generel Tredishe oo taliye ka ahaa qeybta 27aad tan iyo sanadkii 2018kii.

Taliyaha cusub ee qeybta 27aad General Tawane ayaa u mahadceliyay taliyihii hore ee qeybta waxana uu ku ammaanay howlaha uu ka soo qabtay mudadii uu xilka hayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More