General Xijaar oo booqday goobta ay ka dhacayso doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa maanta kormeeray xarunta Hoggaanka Gaadiidka Boliiska iyo Dugsiga tababarka Booliska General Kaahiye.

Taliye Xijaar ayaa kormeeray dugsiga tababarka Boliiska ee General kaahiye oo lagu qabanayo doorashada xildhibaanada gobollada Woqooyi isagoo u kuurgalay qaabka loo sugayo amniga goobta.

Kormeerka taliyaha ayaa qeyb ka ah dardar galinta howlaha amniga doorashooyinka ee Boolisku u xilsaaran yahay waxana uu halkaas warbixino uga dhagaystay saraakiisha ku sugan goobaha uu tegey taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed General Xijaar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More