General Xuud oo aqbalay inuu wadahadal la yeesho Maamulka Hirshabelle

General Abuukar Warsame Xuud ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la galayo Maamulka Hirshabelle kadib markii uu maanta gaaray magaalada Beledweyne taliyaha ciidamada lugta General Biixi.

Abuukar Xuud oo maleeshiyaad uu hubeeyay ay dagaalo la galeen ciidamada dowlada ayaa ka mid noqday dad soo dhaweeyay taliyaha ciidamada lugta General Biixi.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen General Xuud iyo General Biixi ayaa waxa uu General Xuud ku sheegay in xaq ka maqan dadka ku nool gobolka Hiiraan uu u raadinayo General Biixi balse ma cadeyn xaqa ka maqan.

Sidoo kale General Biixi ayaa ugu baaqay dadka ka soo jeeda gobolka Hiiraan inay ka qeybqaataan dib u dhiska gobolka iyo gargaarka dadka ay abaaruhu saameeyeen inta ay dhaqaale ku bixin lahaayeen amni darro.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Hirshabelle ee la xiriira warka ka soo baxay Abuukar Xuud iyo Maxamed Biixi. Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in General Biixi uu  u ballanqaaday Abuukar Xuud in xil sare laga siin doono Hirshabelle.

Dhawaan ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu sheegay in aysan ciidamada ku milmin siyaasadda balse haatan ayaa waxaa tallaabada uu qaaday General Biixi ay u muuqataa mid uu si toos ah siyaasada Hirshabelle uu ugu lug yeeshay taliyaha ciidamada lugta.

Abuukar Xuud ayaa hore dhowr jeer uga biyo diiday in wadahadal uu la galo Maamulka Hirshabelle iyadoo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Hiiraan iyo duqeyda dhaqanka uu ku gacan seyrey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More