General Zakiya Xuseen oo xilkii ku wareejisay General Cabdalla Cabdalla

June 25(Jowhar.com) Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidamada Boolsika Soomaaliyeed S/Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa ku wareejisay xilkii ay kahaysay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Howlaha gaarka ah ahna Taliye ku taliye ku xageenka cusub ee ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed.
Munaasabada kala wareejinta xilka taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed oo ka dhacday Taliska ciidanka booliska Soomaliyeed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo ka qeybgalay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ugu Mahadceliyey Taliye Xigeenkii hore ciidanka booliska, mudadii ay xilkaas ugu adeegaysay Bulshada Soomaliyeed.

Sidoo kale, Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, ayaa soo dhaweeyey Taliyaha Howlaha gaarka ah ahna Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska ee cusub kulana dardaarmay in uu horey usii wado shaqada balaaran ee hortaala Xafiiska loo magacaabay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More