Giovanni Brusca oo ka mid ahaa Maafiyada caanka ah dalka Talyaaniga oo xabsiga laga sii daayay

Mid ka mid ah dilaaga ugu caansan ee maafiyada Sicilian ee dalka Talyaaniga lana rumeysan yahay inuu dilay in ka badan 100 qof, ayaa laga sii daayay xabsiga kadib 25 sano oo uu xirnaa.

Giovanni Brusca, oo 64 jir ah, laguna naanayso “doofaarka” ama (Dilaaga dadka), oo ku diley qarax uu fuliyey xeer ilaaliyihii ka hortagga maafiyada Giovanni Falcone sanadkii 1992, ayaa hadda ah nin xor ah.

Brusca ayaa waxa kale oo uu amar ku bixiyey ceejinta wiil 11 jir ah, oo jirkiisa markii dambe lagu shubay aashito si aan loo aqoonsa.

Warkan ayaa xiisad ka dhaliyay gudaha wadanka Talyaaniga, inkasta oo la sii daayay gacan ku dhiiglihii hore ee Cosa Nostra.

Dowlada Talyaaniga ayaa qaadatay go’aanka ah in la sii daayo ninkan kadib markii uu si wanaagsan ula shaqeyay uuna fududeeyay sidii loo soo qaban lahaa maafiyo badan.
Brusca wuxuu ahaa gacanta midig ee waxa loogu yeero super boss Totò Riina, oo ku dhintay xabsiga sanadkii 2017. Brusca waxaa la qabtay bishii May 1996 waxaana lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu helay dambi ah inuu ka dambeeyay dilka dad ka badan 100 ruux.

Ka dib markii uu go’aansaday inuu caawiyo u dambi baarayaasha ayaa laga soo xigtey ereyadan; “Waxaan ahay xayawaan,Waxaan nolosheyda oo dhan ka shaqeynayay Cosa Nostra. Waxaan dilay in ka badan 150 ruux. Xitaa ma xasuusan karo magacyadooda oo dhan.”

Mid ka mid ah dilalka ugu foosha xun ayaa ahaa dilkii Giuseppe Di Matteo oo 11 jir ah, oo ah wiil uu dhalay mid ka mid ahaa maafiyada balse u wareegay dowlada, waxaa la afduubay wiilkan 1993, kadib markii lagu hayay guri in ka badan laba sano xaalado xuna la marsiiyay ayaa ugu dambeyntii ceeji lagu diley meydkiisana waxaa lagu tuuray aashito,waxayna boolisku ugu yeereen “mid ka mid ah dambiyadii ugu foosha xumaa taariikhda Cosa Nostra”.

Wuxuu sidoo kale qarxiyay bambkii 1992-dii lagu dilay Giovanni Falcone, halyeeygii Talyaaniga ee dacwad soo oogista kaasoo shaqadiisa u hibeeyay afgembinta maafiyada. Xaaska Falcone iyo seddex ilaaladeeda ah ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka kadib markii gaarigooda uu dul maray miino uu ninkan la sii daayay hadda geliyay waddo ku taal duleedka magaalada Palermo.

Maria Falcone, oo walaalo ah Giovanni Falcone, ayaa u sheegtay ANSA: “Marka laga hadlayo heerka aadanaha, kani waa war i xanuujiya. Laakiin sharciga ku saabsan dhimista xukunnada iskaashiga maafiyada waa sharci walaalkey doonayay, sidaa darteedna ay tahay in la ixtiraamo. Waxaan kaliya rajeynayaa in garsoorka iyo booliisku ay feejignaan doonaan, si looga hortago khatarta ah inuu mar kale dambiyo geysto. ’’

Waxaa lagu qabtay ninkan dilaaga ah ee la sii dayay guri villa ah oo ku yaal gobolka Agrigento sanadkii 1996, waxaana qabtay sarkaal booliis ah oo lagu magacaabo Luciano Traina. Traina waxay walaalo yihiin sarkaal ay wada shaqeeyaan oo isna ay dileen Cosa Nostra.

Marnaba ma hilmaami doono muuqaalka wajigiisa markii aan qabanay,” Traina ayaa u sheegay Repubblica. “Marnaba ma cafin doono. Sababtoo ah ma aaminsani in Brusca waligiis runta sheegay. ”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More