Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya oo la magacaabay

Oct 26 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya.

Kaas oo looga gol-leyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara, isla markaana saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, Maamul hufan leh, Dhaqaale ahaanna isku filan.

Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa abuuraya dadaalo isku dhafan oo ay qeyb ka yihiin dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda, Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, Saaxiibada Caalamiga ah, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka ah, si loo hagaajiyo Maamulka, sare loogu qado Horumarinta Dhaqaalaha, daryeelka bulshada iyo in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha.

Xubnaha Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa ka kooban:-

Mudane Biixi limaan Cige, Wasiirka Maaliyadda
Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare
Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
Mudane Maxamud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene Beene), Wasiirka Qorshaynta
Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
Mudane Maxamed Axmed Shekh Cali (Doodishe), Wasiirka Amniga Gudaha
Mudane Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta
Mudane Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
Mudane Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
Marwo Khadiija Maxamed Almakhsuumi, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada
Golahan ayaa waxaa shir guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxa ayna yeelan doonaan Xoghayn ka kooban:-

Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boolbool), Agaasimaha Golaha Wasiirada ee XRW
Mudane Kamaludin Dahir Xasan, La-taliye, Arrimaha Amniga RW
Cabdirisaaq Cali Ibraahim, La-taliye, Horumarinta iyo Xiriirinta Barnaamijyada ee XRW.
Axmed Cumar Maxamed, La-taliye, Arrimaha Golaha Wasiirada ee XRW
Xasan Cabdulaahi Diiriye, La-taliye, Horumarinta iyo Tayaynta Maamulka Hay’adaha Dowladda ee XRW.
Share this Article

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More