Sunday, February 15, 2026
Home NEWS Golaha Mustaqbalka oo la kulmay guddi ka socday xildhibaanada baarlamaanka xorta ah

Golaha Mustaqbalka oo la kulmay guddi ka socday xildhibaanada baarlamaanka xorta ah

59

Feb 15(Jowhar)-Waxaa goordhow kusoo idlaaday Hotel Airport kulan udhexeeyay xubno katirsan Golaha Mustaqbalka iyo gudigii farsamo ee ay shalay iska saareen xildhibaanada labaxay Baarlamaanka Xorta ah.

Madaxda Puntland iyo Jubaland, ra’iisulwasaareyaal hore Khayre iyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa Golaha Mustaqbalka matalayay.

Kulanka ayaa looga wadahadlay xaalada dalka iyo Marxalada uu kujiro Baarlamaanka federaalka oo ay hareeyeen doodo culus oo laxariira dastuurka kuwaas oo sababay in Baarlamaanku laba ukala jabo.

sidookale gudiga ayaa madaxda golaha la wadaagay ajandayaashooda iyo shaqada hortaala gaar ahaan dhismaha baarlamaanka cusub iyo gudoonkiisa.!