Aug 09 (Jowhar)Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa shir hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho uga socdo Golaha Samata-bixinta mucaaradka ah.
Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagaga doodayaa waxey la hortagi lahaayeen shirka beri oo 10-ka bisha ah la leeyihiin madaxweyne Xasan, kaasoo loo badinayo inuu yahay midka u danbeeya kahor kulanka madaxweynaha iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka.
Mudanayaasha oo qaarkood saddexdii cisho ee ina dhaaftay dalka ugu soo laabtay shirka beri darteed ayaa aragtiyo kala duwan ka bixinayo waxa laga fili karo madaxweynaha marka ay beri oo Axad ah la fariistaan.
Kulanka beri waxaa loo badinayaa inuu madaxweynaha u sheego inuu ka laabanayo wax ka bedelkii lagu sameeyay cutubka 4-aad ee Dastuurka, kaasoo ah midka ay sida weyn uga biya diideen mucaaradka.
Xubnaha shirka Jazeera Hotel fadhiya waxaa kamid ah Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Xuseen Rooble, Xasab Kheyre, Abdi shirdoon Saacid, Cumar Cabdirashid, Shariif Xasan, Maxamed Mursal, Cabdiraxmaan Cabdishakuir iyo xubno kale.
Warbaahinta ahaa dibad joog ka ah fadhigan.