Golaha Shacabka Dalka Jabuuti oo doortay Guddoomiye cusub
Mar. 05 (Jowhar.com)-Kulan uu yeeshay Baarlamaanka Jabuuti ee dhawaan la soo doortay, ayaa guddoomiye u doortay maanta Dileyta Maxamed Dileyta.
Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Jabuuti oo hore u soo noqday Ra’iisul Wasaare xilal kalana soo qabtay ayaa ka tirsan xisbiga Isku tagga Dadweynaha iyo Horumarka.
Dileyta, ayaa wuxuu dhashay bishii Maarso 12, 1958, isagoo ku dhashay gobolka Tadjoura ee dalka Jabuuti.
Dileyta, ayaa wuxuu ahaa ra’iisul wasaaraha Jabuuti intii u dhexeysay 7-dii bishii Maarso, 2001-kii, illaa iyo Maarso 31keedii 2013-kii.