Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo si kala gaar gaar ah u Ansixiyay Hindise Sharciyeedyo

Feb. 18 (Jowhar.com)-Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedyada kala ah Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda iyo ‘Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa.

Hindise sharciyeedka Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa ogolaatay 149-xildhibaan hal Xildhibaan ayaa ka aamusay Xildhibaan diidayna ma jiro, halka sharciga ‘Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa ogolaatay 148-mudane, labo xildhibaan ayaa ka aamustay, xildhibaan diiday ma jiro.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa xildhibaanada uga mahad-celiyay ansixinta labadan sharci oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale,Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyeyay kalfadhiga labaad kulankiis 12-aad.

Kulanka ayaa ajandihiisu wuxuu ahaa ansixinta xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Guddoomiyaha guddiga Xeer-hoosaadka Aqalka Sare, Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo golaha la wadaagay qaabayn iyo toosin ay ku sameeyeen Xeer-hoosaadka ka dib, ayuu goluhu ansixiyay Xeer-hoosaadka Aqalka Sare

Sidoo kale, Hindise Sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo doodiisa la guda galay ayay Senatorada ka dhiibteen dood ay ka qabeen qodobada qaar ee sharciga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More