Golaha Shacabka oo ansixiyay ku biirista Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika

Feb 10 (Jowhar.com)-Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in Soomaaliya ku biirto Ururka Dhaqaalaha Bulshadda Bariga Afrika.

Kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa ogolaatay 148 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday Hal Xildhibaana waa uu ka aamusay.

Soomaaliya ayaa xubin rasmi ah ka nooqotay Ururkan sanadkii hore ka dib markii dowladda Soomaaliya daddaal badan ku bixisay.

Ganacsatada iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa si weyn uga faa”iidaysan doona fursadan,iyagoo badeecadahooda u heli doona suuqaq u iibgeeyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More