Golaha shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaalanka argagixisada iyo Taliye Mahad oo soo dhaweeyay
Mar. 08 (Jowhar.com)-Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa soo dhaweeyay ansixinta xildhibaanada golaha shacabka ee Hindisa Sharciyeedka la dagaalanka argagixisada oo maalmihii la soo dhaafay ay dood ka lahaayeen, 143 mudane ayaa ansixisay.
Taliye Mahad oo qoraal soo saaray ayaa ku amaanay mudanayaasha golaha shacabka ansixintooda, isagoo sheegay in sharcigan laf-dhabar u yahay dagaalka dowladda ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.
“Sharcigan waxa uu laf-dhabar u yahay dagaalka aan kula jirno argagixisada, waxa uuna kusoo beegmay xiligii aan ugu baahida badneyn, si aan u gudano waajibaadka naga saaran kahortaga khawaarijta iyo ciribtirka fal dambiyeedyada la xiriira argagixisada” ayuu yiri taliye Mahad.
Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa dhinaca kale ka dalbaday mudanayaasha aqalka sare iney deg deg u ansixiyaan sharcigan oo haatan loo gudbinayo.
“Dhankooda, waxa aan ka codsaneynaa gudoonka iyo xildhibaanada aqalka sare ee BFS inay ansixiyaan sharcigan oo shaqadiisa soo socotay mudo dheer, si aan uga gudubno caqabadaha argagixisada ku heyso dalkeenna” ayuu hadalkiisa kusoo xiray taliye Mahad.
Si kastaba, Sharcigan ayaa muddo 10 sano horyaalay Baarlamaanka dhowr jeer ayaa dib loo soo celiyay dooddo ka dhashay awgeed.