Golaha shacabka oo lagala hadlay Awoodsiinta Haweenka ku jira siyaasada.

June 16 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe ayaa Arbacadii hoygiisa kulan kula qaatay danjiraha dalka Norweyn, Amb. Haakon Svane.

Safiirka dalka Norway ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka lawadaagay sii amba-qaadida taageerada dhanka sharciga oo dowladda Norwey horay u siin jirtay Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Kulankan maanta ay yeesheen mas’uuliyiinta oo daba socday kulan hore ayaa lagu soo hadal qaaday Awoodsiinta Haweenka Soomaaliyeed kuwooda ku jira siyaasada.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey shacabka iyo dowladda Norweyn oo taageera buuxda ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaana uu sheegay in ay iska kaashan doonaan wada shaqeeynta Baarlamaanada labada dal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More