Golaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga Musharaxiinta oo maanta kulmaya

Golaha Wadatashiga Qaran iyo xubno ka socda Midowga Musharixiinta ayaa lagu wadaa in maanta markale ay kulmaan si ay ugaga wadahadlaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan inIlo ku dhaw Shirka Golaha Wadatashiga qaranka inay doonayaan in markale ay dhagaystaan fikradaha Midowga Musharaxiinta maadaama shirka golaha wadatashiga qaran uu maryo meel gabagabo ah.

Golaha Wadatashiga qaranka oo la kulmay Wakiilo ka kala socda Musharixiinta, wakiilo ka socday Beesha Caalamka, Bulshada Rayidka iyo Haween u dooda qoondada Dumarka ee Baarlamaanka ayaa dhageystay soo jeedintooda.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Nuur ayaa sheegay in uu shirka heer gabagabo ah gaaray, is fahamka madaxda is hor fadhisa waxa uu ku sifeeyay mid hannaan degen oo is dhageysi ka muuqda uu yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More