Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka doodaya arrimaha doorashooyinka

Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa waxa ay maanta ka doodayaan arrimo la xiriira doorashooyinka.

Afhayeenka xukuumada ayaa sheegay in maanta falanqeyn iyo wadatashi ka leeyihiin cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxibada Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan madaxda maamul goboleedyadda iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Dhinacyadda ayaa xalay waxa ay ka doodeen sixitaanka doorashada waxaana jira isku soo dhawaansho ka roon sidii maalmihii lasoo dhaafay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More