Golaha wakiilada Somaliland oo ansixiyey Xeer-hoosaadka Golaha

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ansixiyey xeer-hoosaadka golaha oo wax kabadal lagu sameeyay xeer-hoosaadkii golihii hore ku shaqayn jirey.

Illaa 70 xildhibaan oo ka mid ah 76 xubnood oo kalfadhiga maanta ee golaha joogay ayaa u codeeyay in xeerka si duuduub ah lagu ansixiyo, 4 xildhibaan ayaa diiday, 1 xildhibaana wuu ka aamusay.

Xildhibaannada kasoo horjeestey ansixinta xeerka, ayaa sheegay in ay ka biyo diideen habka duuduubka ah ee goluhu u ansixiyey xeerka iyaga oo sheegay in ay doonayeen in qodob qodob loo ansixiyo.

Golaha ayaa guddi ka kooban 15 xildhibaan u saaray wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyay xeer-hoosaadka golaha, kuwaasi oo wax ka badalka xeerka ka shaqaynayay muddo ku dhaw bil, iyadoo fadhiyada golahana lagaga doodi jiray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More