Golaha Wakiillada Somaliland oo ansixiyay soo jeedinta xildhibaanada reer Awdal

Sep 30 (Jowhar.com)- Muadanayaasha Golaha Wakiillada ayaa ansixiyay soo jeedintiii xildhibaanada Gobolka Awdal ee ay ku dalbanayeen in dastuurka la furo.

Qodobadii ay soo saarreen khamiistii xildhibaanadda gobalka Awdal oo wax ka bedal lagu sameeyey ayaa saaka gollaha Wakiiladu cod qaraar golle ah ku ansixiyeen.

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa qaraar gole ku ansixiyay Qodobadii soo jeedinta xildhibaanada reer Awdal oo wax ka bedel lagu sameeyay qaar ka mid ah go’aamada.

73 xildhibaan oo fadhiga jooga ayaa dhammaan u codeeyay Qaraarka.

Qodoobada uu gollaha ansixiyay ayaa waxaa kamid ah In KominshankuDoorashooyinka dib u eegis ku sameeyo goobaha cod bixinta ee Gobalka Awdal iyo sidoo kal In Madaxweyne Muusa Biixi dib u eego saamiga gobalka reer Awdal.

Sidoo kale gollaha ayaa ansixiyay in xukuumada Somalililand ay si cadaalad ah u qeybiso mashaariic-da tix galin gaar ah na siiso gobalka Awdal gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Ugu dambeytii Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah oo duuduub ah ku ansixiyay xeerka cusub ee doorashooyinka isa-saaran ee Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More