Golaha Wasiirada Hirshabelle oo ansixiyay Degmooyin cusub oo ka tirsan Hirshabelle

Nov 04 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta shir gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa lagu ansixiyay lix degmo kuwaasoo ka mid noqonaya degmooyinka uu ka kooban yahay Hirshabelle.

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha hor keentay Hindise Sharciyeed Degmooyin cusub loogu aqoonsanayo Deegaano la sheegay inay soo buuxiyeen shuruudihii Degmo-nimo kuwaas saddex kamid ah ay ku yaalaan gobolka Sh/dhexe halka saddexda kalana ay ka tirsan yihiin gobolka Hiiraan.

1- Ceelbaraf
2 -Alkowsar
3- Ceelcali
4-Jawiil
5-Halgan
6- Jiliyaale

Golaha Xukuumadda oo dood dheer ka yeeshay degmooyinkaan cusub ayaa ugu dambeyn cod aqlabiyad ah ku meelmariyay.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada Hirshabelle ayaa lagu hor dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Dowladda, iyo Garsoorka Dowladda Hirshabelle.

Golaha Wasiirada Hirshabelle ayaa bishii lixaad ee sanadkan waxaa ay sidoo kale u ansixiyeen lix degmo oo ay ka mid ahaayeen Moqokori,Masaajid Cali Gaduud,Raaga Ceelle,Buurweyn,Buq-aqable iyo Xawaadley.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More