Golaha Wasiirada oo maanta kulan gaar ah yeelanaya

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan gaar ah iyadoo xala lagu lagu wargeliyay inay si buuxda uga soo qeyb galaan Shirka Golaha oo maanta oo Axad ah oo taariikhda ku beegan 31-10-2021, Labada duhurnimo dhici doona.

Farriin qoraaleed loo diray xubnaha Golaha Wasiirada ayaa loogu sheegay kulanka berri, maadaama Kulankii Khamiistii dib loo dhigay.

Shirarka Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa uu dhici jirey maalinta Khamiista waxaana aad u yar in la isugu yeero maalin Axada, iyadoo waqti dambe oo habeen ah in farriin qoraaleed loo diro Wasiirada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan laga yaabo in lagu ansixiyo taliye iyo taliye ku xigeen cusub oo ay NISA yeelato sida ay hore ugu heshiiyeen Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Haddii lagu dhawaaqo oo la anisixiyo maanta taliye cusub oo NISA ay yeelato ayaa waxaa soo afjarmaya khilaafkii u dhexeeyay madaxda sare ee dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More