Golaha Wasiirrada oo ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2022 

Kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada uuna shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu anisixyay miisaaniyadda dowladda 2022.

Miisaaniyada goluhu uu ansixiyay ayaa gaareysa 69.I Mallion oo dollar taaso oo ka kooban Mushaarka Shaqaalaha, Caafimaadka iyo mashaariicda horumarinta.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyey kororka iyo ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka isagoo ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2022-ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More