Goobihii ganacsi ee Dhuusa-mareeb oo saaka xiran iyo ciidamo lagu soo daadiyay magaalada

Nov 01 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka ay Xirran yihiim Goobaha Ganacsiga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Macluumaadka ayaa intaasi kusii daraya in Xaafad kasta Saaka lagu Arkayo Ciidamada amaanka, iyagoo heegan buuxa ku jiro.

Waxaa jirto cabsi ku aadan iney sii fido xiisada salka ku heyso aanooyinka qabiilka ee u dhexeysa beelaha Saleebaan iyo Ceyr, iyadoo ay socdaan hub uruursi ay wadaan labada dhinac.

Si kastaba, Xalay ayey eheyd markii labo Ganacsato ah lagu dilay gudaha Magaalada, Ragga dilka geystay ilaa iyo hadda gacanta laguma Soo dhigin. Labafa qof ee la dilay ayaa kala ah Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ah ganacsato.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More