Guddi Baaritaan ku sameeya xaalada ka jirta xabsiga dhexe oo la magacaabay

Aug. 17 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa magacaabay guddi gaar ah oo soo dhameystira baarista Isla-markaana warbixin ka soo diyaariya xaalada ka jirta xabsiyada iyo maxaabiista ku xiran.

Xaalada maxaabiista ku xiran xabsiga Muqdisho ayaa waxaa shaaciyay markii ugu horeysay taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed General Mahad C/maan Aadan oo sheegay in qaar ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiga Muqdisho lagu hayo xabsiga iyadoo aanan maxkamad la saarin lana xukumin.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxa ay dood ka yeesheen xaalada ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jirta xabsiga dhex ee Muqdisho.

Sidoo kale Guddiga Xuquuqal-Insaanka, Haweenka & Arrimaha Bani’aadanimada ee Soomaaliya ayaa booqday xabsiga dhexe ee Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More