Guddiga Amniga Doorashooyinka oo shaaciyay goobaha ay ka dhacayaan doorashada Golaha Shacabka

Guddiga Amniga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo gudbiyay goobaha loo qorsheeyay in ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannaada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Hase yeeshee illaa iyo hadda lama hayo jadwal sax ah oo ku saabsan qabashada doorashooyinka golaha shacabka.

Waxaa soo baxayay 24kii saac ee ugu dambeysay warar sheegaya in 3 kursi oo ka mid ah kuraasta laga soo dooranayo Hirshabelle ay toddobaadka soo socda lagu qaban doono doorashadooda magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Halkan hoose ka aqriso xarumaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More