Guddiga Baarista cabashada kuraasta banaadiriga oo la magacaabay

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga baarista cabashada kuraasta banaadiriga kuwaasoo ka kooban toddobo xubnood.

Guddigan ayaa la magacabaay kadib markii uu kulan wadatashi ah la yeeshay ra’iisul wasaare Rooble, Guddoomiyeyaasha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Guddiga Doorashada Banaadiriga (SEIT), Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo ka socda FEIT, SEIT Banaadiriga iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kuwaas oo kala ah:
FEIT

1- Muuse Geelle Yuusuf. Guddoomiyaha FEIT, Guddoomiye
2- Maxamed Aadan Cismaan
3- Cabdi Hiis Udan

SEIT Banaadiriga

4- Sacdiyo Aways Cali Boolaay. Guddoomiyaha SEIT Banaadiriga
5- Saciid Cabdulqaadir Axmed
6- Maxamed Cabdulxamiid Axmed

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

7- Avv. Cumar Maxamed Cabdulle La taliyaha Sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha
Guddigan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u xilsaaray in ay baaraan cabashada la xiriirta kuraasta Banaadiriga ee Golaha Shacabka iyo in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gudbiyaan talo iyo warbixin ku aaddan arrimaha cabashadu ka taagan tahay.

Magacaabista guddigan ayaa timid kadib markii ra’iisul wasare Rooble uu hakiyay doorashada shanta kursi ee beelaha banaadiriga ee lagu waday in dhawaan lagu soo doorto magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More