Guddiga doorashada Galmudug oo dib u dhigay doorashada 3 kursi

Mar 11 (Jowhar.com) -Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa hal maalin dib u dhigay doorashada 3 kamid ah kuraasta golaha shacabka, ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

“Guddigu wuxuu hal maalin dib u dhigay shaacinta Guddiga Xulista ergada kuraasta HOP#095, HOP#038 HOP#069, waxaana la shaacinayaa maanta oo Jimcaha oo Taariikhdu tahay 11/03/2022,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Guddiga ayaa Sabtiga berri bilaabi doona diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta musharixiinta, waxaana la qorsheeyey in doorashada kuraastaas la qabto Axadda soo socota ee 13-ka bishaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More