Guddiga Doorashada Galmudug oo hakad geliyay doorashada kursiga HOP#071

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay doorashada kursiga tirsgiiisu yahay HOP#071, oo hore loo qorsheeyay in la qabto maalinta berri ah oo k ubeegan 3da bisha Febraayo 2022.

Qoraal kooban oo la soo dhigey barta Facebook ee uu guddiga doorashoyinka Galmudug ku leeyahay ayaa lagu sheegay in dib loogu dhigey kursigan iyadoo aan la soo dhamaystirin habraacyadiisa.

“Maadaama habraacyada doorashada kursiga HOP#071 dhamaystirneyn waxaan hakinay qabashada doorashada kursiga HOP#071.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Si kasta ha ahaatee guddiga ayaan cadeyn habraacyada ka dhiman kursigan tirsigiisu yahay HOP#071 ee aan la soo dhamaystirin.

Kursigan ayaa waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyey xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Diiwaangelinta iyo qabashada araajida kuraasta la qorsheeyay in doorashadoodu ay dhacdo maalinta berrito ah ayaa waxa ay ka socotaa magaalada Dhuusamareeb xarunta Maamulka Galmudug.

Waxana hakinta kursigan uu ku soo beegmayaa xilli la sheegay inmaanta ay xirteen wadada laamiga ah ee u dhexeysa magaalada Dhuusamareeb iyo Cadaado dabley diidan in loo xiro kursi musharax gaar ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More