Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay 8 kursi oo lagu dooranayo Dhuusamareeb

Guddiga Doorashada heer Dowlad Goboleed Galmudug ayaa shaaciyay qabashada 8 kursi oo ka mid ah kuraasta taalla magaalada Dhuusamareeb.

Kuraasta la shaaciyay ayaa ka mid ah kuwa ugu loolanka adag ee sida weyn loo hadal haayo, waxaana doorashadooda la qabanayaa 13-14 bishan Febraayo.

Kuraastaan waxaa qayb ka ah saddex kursi oo loo gaar yeelay dumarka.

Kuraastan waxaa hore ugu fadhiyay xildhibaanada hoos ku xusan;
Hop 25 Naciima Maxamed Gacal
Hop 48 Cabdulaahi Gaafow Maxamuud
Hop 40 Nadiifo Faarax Jaamac
Hop 81 Maryan Cariif Qaasim
Hop 53 Faarax Cabdi Xasan
Hop 138 Sacid Nuur Qeyliye
Hop 137 Saadaq C/karin X.Ibrahim
Hop 147 Mahad Maxamed Salaad

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More