Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 3 kursi

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa shaaciyay liiska guddiga soo xulaya ergada dooraneysa 3-da kursi iyo jadwalka doorashada.

Kuraastan oo kala ah HOP#147,HOP#035 iyo HOP#055 ayaa waxaa ka mid kursi uu ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay Mahad Salaad.

Guddiga ayaa xusay in doorashada 3-daan kursi ay ka dhici doont magaalada Dhuusamareeb maalinta Khamiista ah ee 17-ka bishaan, sida lagu shaaciyey jadwalka uu soo saaray guddigaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More