Guddiga Doorashada Heer Federal oo ka horyimid doorashada Fahad Yaasiin ee Beledweyne

Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa meesha ka saaray natiijada kursigii uu ku soo baxay Fahad Yaasiin, iyagoo aqoonsaday natiijada 5-tii kursi ee maanta Beledweyne lagu doortay, sida lagu shaaciyay Page-ka Guddiga

Arrintan ayaa loo arkaa inay Fahad Yaasiin ka hor istaagi doonto shahaadada kama dambeysta ah ee Xildhibaanimo oo ay bixinayaan Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

“Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxba iskama badalin go’aankii ay ku hakiyeen kursiga HOP#086, sidaasi darteed waa waxba kama jiraan natiijada talaabadii maanta lagu baalmaray”ayaa lagu daabacay Page-ka Guddiga.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More