Guddiga doorashada Hirshabelle oo hakiyay Odayaasha soo xulaya ergada laba kursi oo Beledweyn ah.

Mar 8 (Jowhar.com)- Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Hirshabelle ayaa shaaciyay iney hakiyeen liiska Odoyaasha dhaqanka iyo xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya Ergada Dooraneysa Laba kursi oo Baladweyne taala.

Labada kursi oo kala ah HOP#010 oo uu ku fadhiyay Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Jindi) iyo HOP#066 oo uu ku fadhiyay Cumar Cismaan Waasuge ayaa la sheegay iney ka timid cabasho xooggan.

“Kadib cabasho ka timid odayaasha dhaqanka Iyo Murashixiinta kuraasta HOP#010 & HOP#066, Guddiga Doorashada Hirshabelle (SEIT) waxa uu hakiyay Guddiga Xulista Erdada ee la diiwaangeliyay si looga jawaaabo Cabashadii ka timid GXE ee la shaaciyay” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee SETI Hir-Shabeelle ma sheegin rasmi ahaan xiliga ay soo gudbinayaan Odayaasha saxda ah iyo min labada xubin ee bulshada rayidka, waxeyna warka ku soo koobeen iney dib ka soo sheegi doonaan.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka oo dhowr jeer dib u dhac hareeyay ayaa haatan qorshaha waxa uu yahau in la soo gunaanado 15-ka bishan, waxaana ka harsan oo kaliya 7 maalin, halka tirada xildhibaanada dhimanna ay yihiin 62 mudane.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More