Guddiga doorashada oo beri u duulaya Baydhabo si ay u xaliyaan tabashada KGS

April 13 (Jowhar.com)-Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa sheegay in xubno ka mid ah Guddiga ay maalinta berri u dirayaan magaalada Baydhabo si xal looga gaaro tabashada Koofur Galbeed, iyadoo 14 bishan ay ku beegan tahay maalinta loo qorsheeyay in la dhaariyo Xildhibaannada labada Aqal.

Qoraal ka soo baxay FEIT oo lagu baahiyay bartooda Facebook ayey ku sheegeen in aroorta hore ee beri ay Caasimadda ka dhoofayaan xubno guddiga ka tirsan, kuwaasoo kulamo la soo qaadan doona madaxweynaha Koofur Galbeed, si doorashada howleheeda hore loogu sii wado

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa xubno ka mid ah Guddiga u diraya Berri Subax 13.04.2022 Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Si xal looga gaadho tabashada Maamulka Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

Illaa 73 Mudane oo ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa ku sugan Baydhabo, kuwaasoo aan qaadan shahaadada FEIT, iyagoo ka soo horjeeda in Saddex ka mid ah Xildhibaannada laga soo doorto uu dhowaan Guddiga doorashada FEIT uu waxba kama jiraan ka soo qaadat natiijadooda doorashada, isla markaana go’aamiyay in dib loogu celiyo doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More