Guddiga doorashada Puntland oo shaaciyay 16 kursi oo lagu dooranayo Boosaaso

Guddiga Maamulka Doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyay doorashada 16 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee lagu dooranayo magaalada Boosaaso oo ah magaalada labaad ee deegaan doorashada Dawlad Gobaleedka Puntland.

Magaalaa Boosaaso ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka lagu qabanayo doorashada golaha shacabka,hase yeeshee waxaa doorashada lagu qabtay magaalooyin ay kamid yihiin Baydhabo, Jowhar,Dhuusamareeb,Garowe,Kismaayo iyo Baraawe.

Sidoo kale waxaa la filayaa in 20ka bisha ay ka dhacdo doorasho magaalada Beledweyne halka weli aan la shaacin doorashooyin lagu qabanayo magaalooyinka Garbahaarey iyo Gaalkacyo oo ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada oo xilliga loogu talagalay ay ka harsan tahay wax ka yar toban cisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More