Guddiga Doorashada Puntland oo shaaciyay doorashada 11 kursi oo cusub

Guddiga doorashada Puntland ayaa maanta shaaciyay doorashada 11 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo laga soo doorto deegaanada maamulkaas.

Tiradan ayaa waxa ay ka dhigeysaa 21 kursi kuraasta Puntland ee illaa hadda la shaaciyay, iyadoo maalmaha soo socda la dooranayo 10 kursi oo horay loo dhameystiray habraacii lagu dooran lahaa.

37 kursi oo Golaha Shacabka kamid ah ayaa laga soo dooran doonaa magaalooyinka Garoowe iyo Bosaaso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More