Guddiga Doorashooyinka Heer Federal oo markale sheegay inlagala wareegay Barihii Bulshada

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa sheegay in markale lagala wareegay dhammaan barihii Bulshada oo Guddiga doorashooyinka isticmaalyay kuna soo gudbinayey Warbixinada.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Federaalka, kuna saxiixan yahay Guddoomiyaha Guddigaas Muuse Geelle Yuusuf ayaa lagu sheegay in gacanta maamulkooda ay ka baxeen barihii ay lahaayeen sida Website-ka, Bogga Facebook iyo Twitter-ka.

“Tallaabada lagula wareegay dhammaan baraha Bulshada Guddiga waxa ay muujineyso mas’uuliyad darrada iyo carqaladeynta lagu haayo doorashada,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Guddigan.Bale guddiga ma uusan sheegin cidda la wareegtay.

Hase yeeshee waxa uu guddigu sheegay inay sii wadi doonaan howlahooda isla markaana ay ku soo gudbin doonaan xogaha doorashada shirar Jaraa’id oo lagula hadlayo warbaahinta iyo wareysiyo.
Xalay waqti dambe ayaa barihii bulshada ee guddiga waxaa lagu soo daabacay qoraal sheegaya in guddiga uu dib u helay awooda isticmaalka baraha bulshada uu ku shaqeyn jirey.

Waxayna taasi muujineysaa in guddiga dhexdiisa ay jirto kala qeybsanaan u dhexeysa xubnaha guddiga.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ay soo saareen xubno ka mid ah guddiga doorashoyinka heer federal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More