Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle oo ka hadlay cabasho laga keenay  kursi ka mid ah Aqalka Sare

Guddiga Doorashada Hirshabeele ayaa ka hadlay cabasho ay ka keeneen labo musharax oo ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare kuwaasoo isaga soo tegey magaalada Jowhar.

Musharaxiinta oo kala ah Cusmaan Axmed Macow oo hore afartii sano ee la soo dhaafay kursigan ku fadhiyay Cabdinuur Ibraahim Nuur ayaa loogu baaqay inay dib ugu soo laabtaan magaalada Jowhar ayna dhici doonto doorashada kursigooda maalinta Axadda oo berri ah.

Guddiga Doorashada Hirshabeele ayaa qoraal uu soo saaray waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo ay jeediyeen musharixiinta qaar oo u tartamayay kursi ka mida kuwa aqalka Sare ee yaala Magaalada Jowhar.

Guddiga, ayaa ugu yeeray in ay ku soo laabtaan Jowhar si loo guda galo doorashada Kursiga.
Qaar ka mida musharixiinta u tartamaya Kursiga sumadiisu tahay UH#07 ayaa shalay soo gaaray Muqdisho iyaga oo cabasho Xooggan ka keenay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More