Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle oo shaaciyay guddiga soo xulaya ergada saddex kursi

Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa shaaciyay Guddiga Xulista Ergada saddex kursi oo ka mid ah kuraas dhawaan ay guddiga shaaciyeen in doorashadoodu ka dhici doonto magaalada Beledweyne.

Sadexdan kursi ayaa waxaa ka mid ah kursi uu doonayo inuu ku soo baxo taliyaha dhinaca ammaanka ee Madaxweyne Farmaajo ,Fahad Yaasiin.

Kurastan ayaa waxaa hore ugu fadhiyay

HOP#015 Xiis Xasan Aadan
HOP#086 Faarax Sheekh Cabdqaadir
iyo-HOP#274 Maxamed Cabdulaahi Xasan

Halkan hoos ka aqriso magacyada guddiga soo xulaya ergooyinka saddexda kursi;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More