Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle oo shaaciyay qabashada lix kursi oo Golaha Shacabka ah

Guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa shaaciyay qabashada lix kursi oo ka tirsan golaha shacabka.

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka Hirshabelle ayaa lagu xusay in la qaban doono doorashada lix kursi 31ka bishan iyadoo saddex ka mid ah kuraastan loo xirey dumar.

Lixda kursi ee la shaaciyay ayaa waxaa ay kala yihiin;

HOP 005 Maxmed Cumar Ceymoy
HOP 033 Yuusuf Ibraahim Afrax
HOP 052 Farxiyo Maxamuud Dhaqane
HOP 088 Dahabo Suusow Maxamuud
HOP 097 Khadiijo Maxamed Diiriye
HOP 098 Maxamuud Maxamed Jimcaale

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More