Guddiga Madaxa Banaan ee La Dagaalanka Musuqmaasuqa oo la dhaariyay

Waxaa maanta Madaxtooyada dalka lagu dhaariyay Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa iyadoo munaasabada dhaarintana uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Munaasabadda dhaarinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Caddaaladda  Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Kuxigeenkiisa Cabdicasiis Maxamed Maxamuud, Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa in ay adkeeyaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sagaalka xubnood ee Guddigan uu xilka u dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Dhaarinta guddigan ayaa ku soo beegantay xilli xaalad dagaal ay ka taagan tahay caasimada dalka ee Muqdisho. Wasiirka Maaliyada ayaa ku dhawaaqay in dowlada federalka ay soo wajahday dhaqaale darro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More