Guddiga qabanqaabada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo guddoomiye doortay

April 17 (Jowhar.com) –Guddiga doorashooyinka Guddoonka golaha Shacabka ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku doorteen Guddoomiye iyo xoghayaha guddiga.

Guddiga oo ka kooban 10 Xubnood ayaa waxaa ay guddoomiye u doorteen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo lagu soo doortay Beledweyne halka xogheyn loo doortay Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

Guddiga doorashooyinka Guddoonka golaha Shacabka ayaa laga sugayaa inay diyaariyaan soona saaraan Jadwalka xilliga la qabanayo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More