Guddiga Qiimeynta Xaalada Garbahaarey oo la kulmay oday dhaqameedyada Gedo

Mar 4 (Jowhar.com)-Guddiga Qiimeynta xaalada deegaan doorashada labaad Jubbaland ee Garbahaarreey ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la kulmay odaayasha dhaqanka ah ee ka soo jeeda Gobolka Gedo.

Waxa ay guddigan ka dhageysteen oday dhaqameedyadii ay la kulmeen warbixino ku aadan xaalada Garbahaarey, tallooyin caqabadaha ku horgudban doorashada.

Degmada Garbahaarey ayaa waxaa taal kuraasta 16 kursi, xubno ka tirsan Jubbaland ee taageersan Axmed Madoobe ay qabaan in aan doorasho ka dhici karin Garbahaarey, waxaana la filayaa in guddiga qiimeynta ay tagaan Garbahaarey, marka ay soo gabagabeeyaan safarkooda Kismaayo.

Guddiga uu guddoomiye u yahay Avv Cumar Dhagey ayaa hore u sheegay inay kulamada kadib ay warbixin ku saabsan xaalada degmada Garbahaarey ay u gudbin doonaan Ra’iisul Wasaare Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More