Guddiga uu magacaabay Maamulka Puntland oo bilaabay inay kormeeraan deegaanada dagaaladu ka dhaceen

Guddi ka kooban siddeed xubnood oo uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bilaabay inay kormeeraan deegaanada uu dagaalku ka dhacay deegaanka Saax-Maygaag ee gobolka Sool.

Guddigan ayaa loo xilsaaray  korjoogtaynta, fulinta iyo dabagalka heshiisyadii Shirka nabadaynta, isla markaana si dhaw ula shaqeeyaan Guddiga Culimada iyo odayaasha dhaqanka.

Maamulka Puntland ayaa sheegtay in xabbad-joojin uu dhex dhigey beelaha deegaanka Saax Maygaag ku dagaalamay iyadoo halkaasna ay weli ku sugan yihiin mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

Xubnaha guddiga ayaa kala ah:

  1. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Puntland. Gudoomiye
  2. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland. Gudoomiye ku xigeen
  3. Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare . Xoghayn
  4. Jaamac Faarax Xasan Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland.
  5. Senator Cabdiqani Geelle Maxamed. Wasiiru dowlaha wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada.
  6. Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad
  7. Gen. Yaasiin Cumar Dheere.Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland
  8. Gen. Maxamed Cali Xaashi.Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More