Guddiga Wasiirada Dowlad Goboleedyada oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland

Guddiga xalinta khilaafka gobolka Gedo oo ka kooban wasiiradda arimaha guddaha Dowlad Goboleedyada Dalka sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle ayaa gaaray magaalada Kismaayo si ay ula kulmaan madaxda Jubbaland, Odayaasha dhaqanka, iyo siyaasiyiinta iyo wax garadka kaso jeeda Gobolka Gedo ee ku sugan Kismaayo.

Guddiga ayaa markii ay kaso dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, kaddib loo gudbiyay madaxtooyada Jubbaland halkaas oo ay kulan kula yeesheen madaxwayne ku-xigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden.

Kulanka ayaa isugu jiray soo dhaweyn iyo kala war qaadasho, waxaana uu guddigu ugu horreyn ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay ku sugnaayeen magaaladda Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo.

Guddiga ayaa warbixin ka dhagaystay madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland, waxaa uuna warbixin ka siiyay marxaladihii ay soo martay Jubbaland iyo sida ay Jubbaland isku seegeen Gobolka Gedo.

Guddigaan oo uu Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray arrimaha gobolka Gedo, si doorashada xubnaha baarlamaanka uga dhacdo Garbahaareey ayaa soo gabagabeeyay shirar ay la yeelanayeen masuuliyiinta maamulka Gobolka Gedo.

Guddigan ayaa sidoo kale la kulmay qeybaha bulshada ee magaalada Garbahaareey, waxaana masuuliyiinta gobolka Gedo ay sheegeen in ay soo dhaweeynayaan guddiyada doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More