Guddiga Xalinta Khilaafaadka heer federal oo doortay guddoomiye cusub

Guddiga xalinta Khilaafaadka ee Heer Federal ayaa maanta oo kulan ay ku yeesheen teendhada Afisiyoone waxa ay ku doorteen gudoomiye cusub .

Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey ee guddigu uu yeesho ayaa waxaa soo xaadirtay 21 xubnood.

Xilka jagada Gudoomiyaha Guddiga xalinta Khilaafaadka waxa isku soo sharaxay labo musharax oo kala ah Cabdilahi Abyan Nuur iyo Cali axamuud Farah( Cali Zeko).

Doorashadan oo ahayd mid aad xamaasad u leh ayaa waxaa ku guuleystey Cabdulahi Abyan Nuur oo helay 14 cod, halka Cali Maxamuud Faarah ( Cali Zeko) uu ka helay 7 cod.

Guddiyada doorashooyinka ayaa weli ku jira sidii ay u sameysan lahaayeen guddoon iyadoo xilliga doorashada la qorsheyay ay aad isu sii gureyso.

Dhamaadka bishan ayaa la qorsheeyay inay dhacdo doorashada Senatarada Aqalka Sare waxaana shaki laga muujinayaa suurtogalnimada in xilligii loo qorsheeyay ay ku dhacdo doorashadan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More