Guddiga xalinta khilaafaadka oo sharci daro ku sheegay doorashooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey

April 23 (Jowhar.com) -Gudiga xalinta khilaafaadka doorashada dadban ee dalka ayaa ka hadlay doorashooyinka isbar-bar socda ee gobolka Gedo, kuwaasoo lagu kala qabanayo magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in labadaasi doorasho ay hareer marsan yihiin heshiisyadii iyo habraacyada loo dajiyay doorashooyinka, iyagoo sheegay in dhamaantood ay yihiin waxba kama jiraan.

“Doorashada ka socota magaalada Garbahaareey waxaa aysan haysan sharciyadda Maamulka Jubaland iyo doorkii Guddiga SEIT oo meesha ka maqan, halka doorashada Ceelwaag ay khilaafsan tahay qodob aasaasi ah oo ku saabsan asteynta deegaan doorashooyinka sida ku cad Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga xalinta khilaafaadka waxa ay fariin deg deg ah u direen Madasha Wadatashiga Qaran, iyagoo ka dalbaday iney arrintan soo fara geliyaan oo ay xal kama danbeys ab ka gaaraan, inta aysan meel halisa tagin.

“Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu usoo jeedinayaa Madasha Wadatashiga Qaran inay xal waara u hesho doorashooyinka isbarbaryaacsan ee haatan ka socda magaalooyinka Garbahaareey iyo Ceelwaaq taasoo u baahan wada hadal, isqancin iyo tanaasul siyasadeed” aya lagu yiri qoraalka guddiga.

Lama oga sida loo dhageysan doono soo jeedinta guddiga xalinta khilaafaadka, maadaama isla shalayba shahaadooyinkooda la siiyay xildhibaanadii u horeeyay ee lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq, kuwaasoo gelinkii danbe ee Jimcihii dib ugu soo laabtay Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More